Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Danjiraha dalka Denmark u fadhiya Nairobi Amb. Ole Thonke.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Denmark u fadhiya Nairobi Amb. Ole Thonke.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Golaha wakiillada iyo Degaanka sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Madaxwweynaha Somaliland ayaa dowladda Denmark uga mahadceliyay y dedaalka iyo dhaqaalaha ay ku biixso sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com