Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Dawlada cabsi ka muujiyay Khatarta ka Imaan karta Alshashaab oo ku Fidaya gobolka shabeelaha Dhexe

Saraakisha Ciidanka Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya eek u sugan Magaalada Jowhar ee Xaruunta gobolka shabeelaha Dhexe ayaa Cabsi Xooggan ka muujiyay Alshabaab oo la wareegay degaano ka Tirsan Bariga Magaalada Jowhar  Halkaas oo ay fariisimo ka sameysteen

Saraakiisha Ciidanka Dawlada Federaalka iyo ku maamulka Hirshabele ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Jowhar kaga hadlay khatarta Alshabaab iyo Weeraro ay ku soo qaadaan Magaalada Jowhar Halkaas oo ah Fariisinka ugu weyn e Maamulka Hirshabeele iyaga oo ka dalbaday  Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay ka gacansiiso sidii halkaasi looga  saari lahaa Alshabaab

Alshabaab ayaa Maalmo ka hor la wareegay gacan ku heynta Degaanka Raage Ceelle ee gobolka shabeelaha Dhexe Halkaas oo markii dambe ay isaga baxeen Fariisina ka sameysteen meel duleedka kaga aadan degaankaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com