Madaxweyne Deni oo ka hadlay Wax qabadka Maamulkiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad  ka jeediyey furitaanka Kal-fadhiga, ayaa ka hadlay Arrimaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi ee dhinacyada Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com