Ra’iisal Wasaare Rooble oo booqday qaybo ka mid ah wadooyinka Dhagaxyada laga qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kormeeray Jidka Tarabuunka oo muhiim u ah isu socodka Muqdisho, si loo hubiyo dhaqan-gelinta Amarkii dowladda ee ahaa in la furo jidkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in furitaanka wadada Tarabuunka oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Muqdisho, oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta magaalada

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey weerarada Al-shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com