Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dalka Ereteriya Halkaas oo lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaliya MaxamedCabdulaahi Farmaajo  Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Waxaana Qasriga Madaxtooyada Dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Ereteriya  Isaias Afwerki, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan horumarka xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay Safar uu ku tagay dalka koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta.

Waa markii saddexaad uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagay Eritrea, booqashadii ugu dambeysay waxay ahayd bishii  janaayo ee sanadkaan, markaas oo madaxweynuhu u aaday safar quseeyay ka miro-dhalka tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka deriska la ah ee Jabuuti uu isna maanta tagay Ra’iisul Wasaarihiisa hore Xasan Cali Kheyre

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com