Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dalka Eritareya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Warka ka soo  baxay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay  ka wada-hadlayaan Hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com