Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wafdi ka socda Dawlada Ingariiska

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.
“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.
Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com