Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar lagu xakameynayo Sicir bararka ka jira Puntland” Sawiro

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay ganacsatada qaybeheeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu ee ku saabsan xakamaynta sicir-bararka.

Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray in ay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo.

Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa in ay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.”

Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

GanacsatadaPuntland  ayaa iyagana  soo dhoweeyay go’aanka, Madaxweynaha waxaana ay uga mahadceliyeen  dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com