Wargees ka soobaxo dalka Canada ayaa cadeyay in Abiy & Afwerki ciidan Soomaali ah  u adeeg sadeen dagaalka gobolka Tigray!

Wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa Dalka Canada ayaa maqaal uu ka qoray Dagaalka Itoobiya gaar ahaan kan ka dhacay Gobolka Tigray November 2020 waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed & Madaxweynaha Eretareeya Isaias Afwerki ay adeegsadeen Ciidan Soomaali ah.

Ciidamadaan oo garabsanaya kuwa Eretareeya ayaa ka tallaabay Xadka iyaga oo lagu eedeeyay in ay geysteen Xadgudubyo Bani aadamnimo oo ka dhacay Gobolka Tigray bilihii ugu horreeyay ee billawgii Dagaalka sida uu Wargeyska kasoo xigtay Goobjoogayaal uu ka warreystay dhacdooyinkaas.

Nin Magaciisa lagu soo koobay Gebretsadik oo ah 52 jir ayaa Wargeyska The Globe and Mail u sheegay in Xaafadda Zebangedena oo ku taalla Waqooyi-bari ee Tigray lagu laalay Dad rayid ah oo uu kamid yahay wadaad-diimeed.

Dadkaas la dilay ayaa madaxa laga jaray, Meydadkooda waxaa ka muuqday dhaawacyo xooggan oo sababay in ay geeriyoodaan, December 2020 oo ah bil kaddib markii uu dagaalka qarxay ayaa la arkay dad badan oo la dilay.

Ciidamada Soomaalida oo qabsaday Xaafaddeyda ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday kaniisadaha waxa ay laayeen Baadariyaasha, way gowraceen, Waxaa wehliyay Ciidanka Eretareeya oo ay wada joogeen ilaa dabayaaqadkii Febaraayo 2021” ayuu yiri Gebretsadiq.

Berket waa 32 jir, waxa uu kamid yahay marqaatiyaasha la hadlay Wargeyska waxaana uu sheegay in Xaafadda Mai Harmaz ee Gobolka Tigray ay tageen Ciidamo Soomaali ah oo la socday kuwa Eretareeya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com