Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib laba toddobaad oo arrimo shaqo uu ugu maqnaa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka tirsan Labada Gole ee Galmudug.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa daqiiqado ka dib loo gelbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Galmudug.

Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Galmudug ee Facebook, loogana hadlay dib u soo laabashada Madaxweyne Kuxigeenka ayaa u qornaa “Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Galmudug.”

safarka madaxweyna ku xigeenka Galmudug ayaa imsanayo xili dhawaan ay shaacisay qaar kamid ah xubnaha galmudug ku matalidoono barlanaamka soomaliya oo dhawaan lagu wado in lagu doorto Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka,Bergan.

Info@aragticusub.com