Madaxweyne Lafta gareen oo magacaabay Gudi – hoosaadka doorashooyinka Koofur Galbeed ku matalaya Federaalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa maanta oo Khamiis ah magacaabay Guddi-hoosaadka heer Dowlad Goboleed, ee Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta Gareen, oo lagu magacaabay Guddiga, ayaa laga tix-raacay Heshiiskii Siyaasadeed Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo Muqdisho lagu saxiixay 17-kii September 2020, islamarkaana Baarlamanku ansixiyay 26-kii September 2020.

Guddiga oo ka kooban 8 xubnood, waxaa ku biiri doona saddex xubnood oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Heshiiskii Siyaasadeed ee lagu go’aamiyay Hannaanka Dooorashada 2020/2021, kaas oo Muqdisho lagu saxiixay 17- September 2020.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com