Ciidamada Kenya iyo Alshabab oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu xalay alkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidanka Kenya iyo Al-shabaab.

shacabka ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in xubno tirsan Al-shabaab ay xalay weerar la beegsadeen saldhiga Ciidanka Kenya ee gudaha Ceelwaaq halkaasna uu ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Dagaalka waxa ka dhashay khasaare kala duwan oo ku kooban dhinacyadii dagaallamay balse faahfaahin sugan warbaahintu kama helin tirada dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaas.

Xaaladda degmada Ceelwaaq ayaa haatan deggan waxaana si caadiya u socda Ganacsiga iyo isu socodka bulshada ku nool degmadaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com