Beeraleyda gobolka shabeelaha Hoose oo ka cabanaya Ayax dhibato ku haaya dalagyada Beeraha iyo Degaanka

Ayax badan oo  gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday beero ku yaalla gobolka, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa  ayaa baabi’iyay dalagyada beeraha ee gobolka shabeelaha Hoose
Ayaxa ayaa Afka mariyay dalagyo ay ka mid yihiin Galley ,Digir, Sisin iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyay daaqsinkii xoolaha.

Qaar ka Tirsan beeraleyda gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xilli hore dhibaato ay ku qabeen fatahaada webiga , haddana ay ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beeraha .

Beeraleyda ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com