Xubno ka Tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo kormeeray Wadooyin ay saameeyn ku yeesheen Roobabkii ka da,ay Muqdisho

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray waddooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn uu ku yeeshay Roobabkii ka da’ay Muqdisho, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir ay dib waddooyinkaasi ugu soo celiyeen isu-socodkii Gaadiidka iyo Dadka kadib markii laga dsaaray biyihii halkaasi buux dhaafiyay.

Waddooyinka xalay uu booqday Ku-simaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Waddada weyn ee xiriirisa Dekada Muqdisho illaa KM4, Waddada Xiriirisa KM4 illaa Airportka Muqdisho, Waddada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir iyo Waddada Daalo ee Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo hadda isu-socodkoodu caadi kusoo noqday iyadoona hadda ay shaqo ka socoto waddooyin kale oo ay biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay in ka-sakow biyo qaadista ay Magaalada ka wadaan gurmadka dadka danta yar ee dhibaatooyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay xoogga saaray la tacaalida dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho,kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka magaalada iyo dadka danta yar ee ku nool kaamamka barakacayaasha.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com