Magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qarixii wadada Cabdiqaasim oo la shaacisay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shan maalin, kadib shaacisay magaca & qabiilka is-miidaamiyihii fuliyey weerarkii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi gaar ah oo laga qaaday ninkaasi, kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna marka hore magaciisa ku sheegay Cali Nuur Muumin, oo ku magac dheeraa Muxsin iyo Abuu Sudeys, sida uu ku sheegay wareysiga laga qaaday.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka dhashay Beesha Mariixaan, gaar ahaan jufada Uur-Midig, isla-markaana uu ku dhashay magaalada Beledxaawo, sanadkii 1986-dii.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2005-tii, isla-markaana uu intiisa badan kasoo howl-galay gobolka Gedo oo uu dagaallo ka dhacay ka qeyb-galay, isaga oo ka tirsanaa jabadaha, kadibna u wareegtay qeybta is-miidaaminta.

Gaba-gabadii wareysiga ayuu kula dardaarmay xoogaga Al-Shabaab, isaga oo ku booriyey inay sii laba jibaaraan dagaalkooda iyo howl-gallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Cabdiqaasim oo ay shaacisay inay ku beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhowaad illaa toban qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo dhamaan ahaa shacab, sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com