Mahdi Guuleed oo ka hadlay Doorashooyinka Dalka ka dhici doona

Ra,iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay walaaca ay musharaxiinta ka qabaan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyo doorasho boob ah, oo uu ku shubto.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay inaysan marnaba dhaceyn waxay mucaaridku ugu yeeren ‘doorasho boob’, xili ay xukuumadda ka madax adeygayso inay wax ka bedesho guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay, kuwaasi oo ay qaadaceen mucaaridka.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Xamar ay tahay mida ugu ilaalada badan, marka loo eego gobolada kale ee dalka, maadama uu ku doodayo in doorashada ay kor-joogteyn doonaan xubno kamid ah beesha caalamka.
“Madaxweynaha inta uu tago Gedo ama Kismaayo wax boobi maayo, waxa maamulaya dad loo xil-saaray, waxaana jooga goob-joogayaal caalami ah, arrintaas waa mid maskaxiyan ah sheegashada mucaaridka” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Sidoo kale waxa uu ka digay in siyaasiyiinta mucaaridka ay abuuraan dad kicin, isagoona shacabka Soomaaliyeed faray inay ilaashadaan qaranimadooda, isla markaana laga wada-shaqeeyo horumarka iyo dib
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com