Faransiiska oo Meelmariyay Sharci wax u dhimaya Muslimiinta

Golaha wasiirrada Xukuumadda Faransiiska ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed looga gol leeyahay in wax looga qabto xagjirnimada kaddib weerarradii is xigxigay ee dhowaan ka dhacay dalkaas.
Sharcigan oo ah mid uu muddo dheer Madaxweyne Emmanuel Macron ku doonayay in lagu joogteeyo aragtiyada cilmaaniga ku dhisan, ayaa xoojinaya shuruucda waxbarashada guryaha iyo hadallada nacaybka ku dhisan.
Dadka qaar oo ka soo horjeeda sharcigan, oo ku sugan gudaha Faransiiska iyo dibaddaba ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay sharcigan u adeegsaneyso in lagu beegsado diin.
Balse Ra`iisul Wasaare Jean Castex ayaa ugu yeeray “sharci difaacid ah” kaas oo Muslimiinta ka xoreyn doonto xagjirnimada, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wuxuu ku adkeystay in hindisahan “aanan looga soo horjeedin diin amaba uusan gaar ahaan ka dhan ahayn Islaamka”.
Sharciga “oo xoojinaya shuruucda Jamhuuriga” ayaa sii xoojin doona xayiraadaha hadallada nacaybka ee baraha internet-ka wuxuuna mamnuuci doonaa in internet-ka loo adeegsado in lagu soo bandhigo xogta dadka kale.
Tani ayaa loo arkaa inay jawaab u tahay gowricii lagula kacay macallin Samuel Paty bishii October. Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa dilay qof weerar ku soo qaaday kaddib markii uu ardayda tusay sawir-gacmeedyo lagu sheegay Nabi Muxamed NNKH.
Baaritaanka ayaa muujiyay in olole barta internet-ka ah oo isaga ka dhan ah la bilaabay.
Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya iskuullada “qarsoodiga” ah ee dhiirrigeliya fakradaha Islaamka wuxuuna xoojinayaa shuruucda waxbarashada guriga.
Wuxuu sidoo kale xoojin doonaa mamnuucidda guurka xaasaska badan iyada oo ragga xaasaska badan loo diidi doono codsiyada degganaanshaha. Dhaqaatiirta ayaa la ganaaxi doonaa amaba la mamnuuci doonaa haddii ay tijaabada bikranimada ku sameeyaan gabdhaha.
Waxaa jira shuruuc cusub oo ku aaddan hufnaanta dhaqaalaha ee ururrada Muslimiinta iyadoo laga doonayo inay u hoggaansamaan qiyamka Jamhuuriga Faransiiska.
Mamnuuciddii in dharka astaanta diimaha loo xirto goobaha shaqada ayaa waxaa lagu dari doonaa inaysan sidoo kale xiran karin shaqaalaha gaadiidka iyo kuwa ka shaqeeya goobaha lagu dabaasho iyo suuqyada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com