Maamulka Galmudug oo ka hadlay Weerar lagu dilay Saraakiil Ciidan

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dhinteen weerarkii shalay galinkii danbe dhacay

Wuxuu sheegay in maleeshiyaad ilaa iyo hadda aan la garan weerarkan geysteen, kaddib markii ay dhabaha u galleen gaadiid ay la socdeen saraakiisha.

Dowladda Soomaliya ayaa dhinaceeda xaqijisay warka ku saabsan dhimashada saraakiishan oo meydkooda la geeyay degmada Ballanbale.

Waxaa soconaya baaritaan ay wadaan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira hubinta sida ay wax u dhaceen iyo sababta maleeshiyada u beegsadeen saraakiishan oo ka tirsanaa qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com