Mahdi Maxamed Guuleed oo Magacaabay Gudi Heer Wasiir ah oo ka shaqeeya Xil Waraajin

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeeya munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble.

 

17 kii bishaan September ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo uu MaxamedXuseen Rooble u  magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka waxaanadhawaan uu horatagayaa Xildhibaanada Golaha shacabka si  codka kalsoonida ay u siiyaan

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ra,iisal Wasaaraha la magacabaay Maxamed Xuseen Rooble uu ku soo xulay Aqoon iyo Karti iyo weliba in uu rajo ka qabo in uu Samata bixin karo Xilligaan Ra,iisal Wasaaraha la magacaabay Dalka

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com