Africom oo duqayn ka geystay gobolka Jubada Dhexe

AFRICOM oo sheegtay inay Duqeyn ku dileen Dagaalame ka tirsan Alshabaab

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay shalay duqeyn Diyaaradeed ka geysteen duleedka Degmadda Jilib ee Gobalka J/Dhexe.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya Ciiddanka DFS ay Duqeyn la beegsadeen Dhismo ay Alshabaab lahaayeen, halkaasina ay Hal Dagaalame ku dileen, mid kalena ku dhaawaceen, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Waxay kaloo sheegtay inaysan jirin warar sheegaya inay duqeyntaasi khasaaro ka soo gaartay dad rayid ah, balse ay baari doonaan haddii la soo weriye khasaaro dadka rayidka ka soo gaaray Duqeyntaasi.

Warar la helayo ayaa sheegayo in Duqeyntaasi waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo ay carruur ku jireen.

Dhinaca kale, Agaasimaha AFRICOM ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, Kolonel Chris Karns waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan inay DFS ka taageeraan sidii loog hortegi lahaa Qorshayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay weli ka go’an tahay inay taageero siiyaaan Ciiddamada kale ee ay shaqa-wadaaga ku yihiin La-dagalaanka waxa uu ugu yeeray Colaadaha Xag-jirka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duqeynta Diyaaradeed ee ay AFRICOM shalay ka geysteen duleedka Jilib waxay ku soo beegantay hal maalin kadib, markii ay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon qirteen inay dad rayid ah ku dileen Duqeyn Diyaaradeed oo ay bishii Feberaayo 2-dii ee sanadkan ka geysteen Degmadda Jilib.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com