Maraykanka oo qirtay in Dad shacab ah ay ku dileen duqayn ka dhacday Soomaaliya

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay markii 3-aad qirteen  inay dad rayid ah waxyeello ka soo gaareen Duqeymaha Diyaaradaha Darooniska Maraykanka ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Somalia.

Warbixinta Milliteri ayaa soo baxday, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International soo saareen in Duqeyn ay Maraykanka ka geysteen Degmadda Jilib ee Gobalka J/Dhexe bishii Feberaayo ee sanadkan lagu dilay Nuurto Kuusow Omar Abuukar oo 18-jir ahaa, waxaana lagu dhaawacay labo gabdho oo ay walaalo ahaayeen iyo Ayeeydooda.

Milliteriga Maraykanka waxay sheegeen inay Duqeyntaasi ku beegsanayeen xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa meel ku dhow Guriga Qoyska Rayidka ee la duqeeyey.

Taliyaha Taliska Ciiddanka AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada dadka rayidka ka soo gaartay Duqeyntii ka dhacday Jilib, wuxuuna hoosta ka xariqiay inuu Hadafkooda yahay inay had iyo jeer yareeyaan khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymahaasi.

Dhinaca kale, Taliska AFRICOM waxay sanadkii hore sheegeen inay dib-u-eegi doonaan dhamaan Hawlgalladii Milliteri ee ay Somalia ka fuliyeen tan iyo sanadkii 2017-kii, iyadoo Dib-u-eegistaasi kadib qirtay in  4 qof oo rayid ah lagu dilay 2 Duqeyn Diyaaradeed oo dhacay sanadihii 2018-kii iyo 2019-kii.

Milliteriga Maraykanka waxay Somalia ka fuliyeen in ka badan 180 Duqeymo Diyaaradeed tan iyo sanadkii 2017-kii, oo 42 ka mid ah la fuliyey sanadkan 2020-ka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com