Maraykanka oo ka hadlay dilka wariye Cabdi Weli online

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan loogu cambaareeyey dilkii 16-kii bishan loo geystay Wariye Cabdiwali Cali Xasan (Online), kaas oo dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Safaaraddu waxay tacsi u dirtay xaaskiisa, caruurtiisa, saaxiibadii iyo asxaabtii ay shaqo wadaaga ahaayeen.

Safaaraddu waxay sheegtay in beegsiga iyo dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan waxna baraan bulshada ay tahay mid ay Al-shabaab ku doonayso in ay ku aamusiso codadka Soomaaliyeed.

Mareykanku wuxuu bogaadiyey howsha weyn ay qabtaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna qiray khatarta iyo dhibaatada ku gadaaman shaqadooda.

Mareykanku wuxuu tilmaamay in uu garab taagan yahay dhammaan Soomaalida, si ay u difaacaan xuquuqda aan loo dulqaadan karin ee xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka.

Maraykanka wuxuu ku baaqay in la soo Afjaro dhaqanka rabshadaha iyo ciqaab la’aanta, kuwa wax dila.