M/Weeyne Deni iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo ku sugan Jabuuti

D-jabuti : Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  lagu soo dhaweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Puntland ma sheegin u jeedada safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti, balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta AragtiCusub.com u sheegay  in safarkaasi la xiriiro marti-qaad Madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Jabuuti.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com