Maraykanka oo Markale ka digay doorasho Hal dhinac ah Fariina u diray Madaxweyne Farmaajo

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa mar kale dirtay Fariin la xidhiidha doorashada dalka u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee dalka.

Qoraal kasoo baxay safaaradda  ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,”

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay maanta soo saartay qoraal ay ku diidan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dhinac ah iyo kuwa is-barbar socda.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com