Maraykanka oo sheegay in la murugoonayaan Xasuuqa Qaraxii Zoobe

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii Oktoobar 2017 oo argagaxisadu xasuuqday dad aan waxbo galabsan oo isugu jira dhammaan qeybaha bulshada.

Safaaradu waxay sheegtay in dowaladda Mareykanka la xanuunsaneyso qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay isla markaana ay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Dhammaan saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa maanta umadda Soomaaliyeed la qeybsanaya xusuusta xanuunkii 14-kii Oktoobar 2017 oo argagaxisada geysteen weerar waxuushnimo ah oo lagu sheegay mid argagaxiso Kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca qaarada Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com