Gudigii Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland oo la kala diray

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Hirsi ayaa ku dhawaaqay kala dirida Guddiga Maamulka ee Rugta Ganacsiga, wuxuuna ugu baaqay gacsatada inay u diyaar garoobaan doorashada guddigaas.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha cusub ee Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland.

Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa muddo xileedkoodu yahay saddex sanno, balse kuwii ugu dambeeyay waxay shaqeynayeen lix sano.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com