Maraykanka oo ku baaqay in la de dejoyo Hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

War qoraal ah la soo geliyey Barta Twitterka Safaarada Mareykanka ee Soomaalia ayaa looga hadlay xaalada doorashada Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka waxay mar kale ku boorisay Madaxda Dowlad Goboleedyada Sida Siciid Deni,Axmed Madoobe,Qoor qoor,Guudlaawe iyo Lafta gareen inay ka foggaadaan wax kasta oo dib u dhac kale oo ku keeni kara doorashada, si degdeg ahna u soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay.

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri Twitterka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Maraykana ayaa ka mid ah dawladaha caalamka ee madaxda Soomaalida ku cadaadinaya in ay qabsoonto doorashada Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya .

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com