Maxkamada Sare Puntland oo waqti u qabatay Dhageysiga Dacwad ay u gudbiyeen Xildhibaanadii Xasaanada laga qaaday

Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa Muddo u qabatay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka qaadista lagu sameeyay 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland.
Maxkamadda sare Puntland , ayaa waxaa ay sheegtay in Dacwada kiiskaan la dhageysan doono 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda.
Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, sida ay shaacisay Maxkamaddu
Xildhibaannada xilka laga xayuubiyay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com