Goobo gancasi oo ku gubtay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Wararka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay goobo ganacsi ay  ku gubteenDagaalkii saaka ka dhacay suuqa weyn  waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Malayshiya-beeleed

Dagaalka waxaa sidoo kale ku geeriyooday Haweeneey  waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale  oo la geeyay xarumaha caafimaadka waqooyiga Gaalkacyo.

Dagaalka Saaka ayaa bilowday xalay waxaana uu ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Amniga Puntland iyo Koox ka ganacsata maandooriyaha Khamriga waxana dagaalkii xalay ku dhintay  laba ruux saddex kalena ku dhaawacmeen.

saraakiisha Amniga Puntland ayaa la soo sheegaya in ay hadda ku sugan yihiin Suuqii lagu dagaallamay saaka kadib markii halkaas ay ka saareen  Malayshiya-beeleedkii soo weeraray Suuqa kuwaas oo dib ugu laabtaygoobihii ay ka yimaadeen