Xaruumaha Ganacsi ee Magaalada Boosaaso oo maalintii shanaad Xiran

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya , in maalintii Shanaad xiranyihiin xarumaha ganacsi ee Magaaladaasi, kadib markii shacabka cabasho xooggan ay ka muujiyeen go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Puntland oo ahaa, in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Lacagta Shilinka Soomaaliga.
Ciidamo badan oo saaka la dhigay waddooyinka Boosaaso, si ay u socod-siiyaan qaadasha Shiling Soomaaliga, ayaa iska dhex socday suuqyada, maadaama aysan jirin xarun Ganacsi oo furan.
Dibad-baxyo Xooggan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Boosaaso, kuwaas oo lagu diidanyahay go’aankii madaxweyne Deni, islamarkaana looga cabanayo qiima dhaca Shiling Soomaaliga iyo sicir-bararka ba’an ee saameeyay Puntland.
Goobaha Ganacsiga Boosaaso ayaa sidoo kale diiday qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxaana arrintaas saamayn ba’an ku yeelatay nolosha dadka danyarta ah ee aan haysan Lacagta Dollar-ka.

Sidoo kale, dowlahada hoose ee degmooyinka Puntland ayaa lagu amray in ay Canshuurta Shiling Soomaali ku qaadaan, iyadoo dowladdu beenisay wararka sheegaya in ay diiday Shiling-ka Soomaaliga.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com