Muwaadiniin ku xanibnaa dalka Kenya oo maanta ka soo dagay Garoonka Aadan Cadde

Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku xayirnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ka dib markii duulimaadyadda Soomaaliya iyo Kenya la joojiyay.

Tiradda Muwaadiniinta maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa dhan 114 muwaadin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa fududeysay Imaanshaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii maalmihii dambe ay iska diiwaangeliyeen xarunta Safaaradda.

Diyaarad ayaa kasoo qaadey Magaalada Nairobi, islamarkaana keentay Magaalada Muqdisho dadkaan Somaliyed ee ku xanibnaa dalkaasi Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaanan wali si rasmi ah u shaacin xilliga la furaayo duulimaadyada gudaha & dibadda oo loo xiray sababo ku aadan Covid-19.