Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu wado in uu soo saaro liiska Musharixiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare uu soo saaro , kadib markii  uu soo gaba gabeeyay la tashiyadiisii ugu dambeeyay ee uu ku soo saari lahaa liiskaasi

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa lafilayaa in uu liiska ku soo daro siyaasiyiin caan ah ooh ore xilal u soo qabtay kana soo mid noqday xubnaha Aqalka saree e Muddo xileedkoda uu dhammaaday inkastoo wax walba ay isbedeli karaan haddana xogta ay heshay warbaahinta aragticusub ayaa sheegaysa  Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow uu ka soo dhex muuqan doono liiska Musharixiinta uu Madaxweyne Cali guudlaawe soo saari doono saacadaha soo socda

Muuse Suudi yalaxoow ayaa siweyn uga soo horjeeda  Madaxweyne farmaajo hase yeeshee lama oga in arinkaan uu wax iska bedeli karo

Xubnaha kale ee liiska Aqalkaa sare ka soo dhaex muuqan doona ayaa sida la sheegayo ku jira Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Xubno kale

Liiska Musharixiinta Aqalka sare u tartameysa ee la filayo in uu soo saaro Madaxweynaha Hirshabeele ayaa ku soo aadeysa xilli inta badan dawlad goboleedyada ay soo dhameystireen doorashada Aqalka sare balse Maamulka Hirshabeele uu noqday dawlad goboleedyada kaliya oo ilaa hadda aan u dhaqaaqin doorashada Aqalka sare.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com