Shirka Golaha Watashiga Qaranka oo maalintii labaad galay

Shirka Golaha wadatashiga ayaa maalintii labaad lagu qabanayaa Magaalada Muqdisho

Shirka ayaa  shalay si rasmi ah uga furmay teendhada Afasiyooni ayaa waxaana ka qayb galay Dhamaan madaxda Dawlad gobolddyada iyo gobolka Banaadir ‘ iyadoo uu shirka gudoominayo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble.

Shirka oo shalay sirasmi ah uga furmay teendhada Afisiyooni ayaa Madaxda waxaa ay isku afgarteen ajandaha ay ka hadli doonaan iyo maalmaha uu shirka u socon doono.

Ajandaha Shirka maanta ayaa noqonayaa mid looga doodayo diyaarinta Habraacyada doorashada Aqalka Hoose ‘ raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo sidii gabi’ahaanba loo dardargelin hawlaha doorashooyinka .

Shirka maalintii labaad Magaalada Muqdisho uga Furmaya Golaha watashiga qaranaka ayaa ku soo beegmaya iyadoo beesha caalamka si weyn ula socoto dhaqdhaaqa shirka islamarkaana uu jiray shaki ah in madaxda maamul goboleedyada dalka ay doonaayan in doorashada kuiraasta golaha shacabka lagu soo kobo hal magaalo oo kaliya sababo Amni Awgeed instoo ilaa hadda aan DFS ‘ Dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir aysan ka hadlin arimahaan

Xafiiska Wararka Muiqdisho

Info@araticusub.com