Madaxweyne Deni oo ka Tacsiyadeeyay geerida Marxuum Abshir Aw-yuusuf Ciise

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay  xafiiska Madaxweyne Deni ayaa u qornaa sidaan:

Waxaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Bahda Aqoontaba, uga tacsiyeeynaya geerida alle ha u naxariistee Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayuu yiri Madaxweyne .”

“Aniga geeridiisu si gaar ah ayeey ii taabanaysaa oo wuxuu ii ahaa macalimkaygii maadada Physics-ka oo uu ku caanbaxay, markii danbena loogu magac daray, wuxuu ahaa barre siweyn dalka looga yaqaanay soona saaray Bulsho balaaran oo nooc walba leh Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhakhaatiir, Culimo , Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Markii danbe oo uu Qurbaha aaday, AHUN Abshir wuxuu halkiisii kasii waday halgankii Waxbarasho, isagoo waxbaray Soomaalidii u guurtay dalka Maraykanka” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Marxuumku wuxu soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Puntland isagoo doorkiisa ka qaatay, shaqada wanaagsan iyo horumarka Waxbarasho ee Puntland kajira.” Ayuu hadalkiisa raaciyay  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa alle uga baryay marxuumka inuu janadii fardowsa geeyo, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com