Soomaliland oo Xabsiga ka siideeysi Siyaasi Cabdijamaal Cismaan

Siyaasiga lagu magacaabo Cabdijamaal Cismaan Maxamed, ayaa laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa, oo maalmo ka hor lagu xiray.

Somaliland kama aysan  hadlin sababta keentay xarriga, Siyaasi  Cabdijamaal Cismaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, islamarkaana xilal heer wasiiro ah iyo xildhibaan ka soo noqday Puntland.

Xubno ka tirsan siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa cambaareeyay xarigga Cabdijamaal Cismaan, ka hor intaan xalay xabsiga laga sii dayn.

Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoorre oo si adag u cambaareeyay arrintaas, ayaa  sheegay in xarigga siyaasi Cabdijamaal ay ka dambaysay hay’adda Sirdoonka Puntland oo kaashanaysa Somaliland.

Hase ahaatee ‘ Maamulka Puntland ayaan ka hadlin xarigga Ex.xildhibaan Cabdijamaal Cismaan oo xilal sare ka soo qabtay Maamuladii kala dambeeyay ee Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com