Ciidanka Booliska degmada Heliwaa oo soo bandhigay dhalinyaro lagu eedeeyay burcadnimo

Howlgal ay xalay sameeyeen Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen rag la sheegay in

Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa xalay Hawlgalo ku soo qabtay dhalin yaro lagu eedeeyay in ay dhac ka geysaneeyeen xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa.

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxuloow ayaa bartiisa face book ku soo qoray in Hawgalka ay ay sameyen Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Heliwaa ay ku soo qabteen laba Nin oo dhalin yaro ah oo watay  Tooreey iyo bastoolad macmal oo caag ah oo dadka shacabka ah ay ku dhacayeen waxaana uu yiri”

” Waxaan gacanta kusoo dhignay burcad Bastoolado Fake ah iyo tooreyo dadka ku dhacayay, waxaa inaga go’an in aan usoo jeedno ilaalinta hantida Reer Heliwaa! Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Booliska iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Heliwaa ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa oo bartiisa Face buugga qoraalkaas soo dhigay.

Hawlgalkaan ay sameeyeen Ciidanka Amniga degmada Heliwaa ayaa imaanaya xilli xaafadaha degmada Heliwaa dhac ay ay ka geystaan kooxo hubeysan oo Dadka shacabka ah ka qaata mobileedda iyo wax kasta oo sitaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com