Waa Sidee maanta Xaalada Degmada Guriceel oo 3 maalmood xiriir ah dagaalo ay ka dhacaayeen?

Jawi degganaan ah ayaa laga soo sheegayaa maanta magaalada guriceel ee gobolka gal gaduud marka loo eego dagaalkii seddexda maalin ka socday halkaasi.
Saraakiisha ciidamada dawlada waxay barqanimadii sheegeen inay la wareegeen inta badan difaacyadii ahlusuna ka sameysteen aagga jaamacada.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dahshay dagaalka maalmihii dambe ka socday guriceel iyadoo lasoo sheegayo in dhimashada ay 100 ka badan tahay dhaawacana uu kor udhaafayo 150 qof.

Shacab ayaa ku jira dadka ku le’day dagaalka guriceel waloow ay dhinacyada dagaalamay ubadan yihiin khasaaraha.
Inkastoo Dawladu ay sheegeyso in hormar ka sameysay dagaalkii shalay gabal dhicii dhacay waxa hadana gadaal loo riixay ayey leeyihiin ciidanka udagaalamayey Ahlusuna.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya  in Labadda dhinac rasaas teel teel ah isku ridayaan oo waan joognaa umuuqata midba midka kale balse ma jirto dagaal fool ka fool ah oo socda.
Xaafadaha wuqooyi bari dhaca sida guriga ugaaska,Aagga Jaamacada,Agagaarka Cusbitaalka Cubeyd,Shimbiro oonshe,Dabaqa Axmed Eerkole iyo Iskuulka Ibnu khuseyma ayaa ah meelaha dhinacyada is haya weli ku kala sugan yihiin.

Dhismaha Bader 1 & beder two waxaa kusugan ciidamada Dawlada,sidoo kale waxay ciidankaasi joogaan,Xarunta Degmada Guriceel,Saldhiga Booliska,quraca xadiyo cad & xaafadaha ku dhaw kuwaas oo difaacyo ay ka sameysteen halkaasi.

Ma jirto waan waan nabadeed oo lagu kala dhex galayo dhinacyada ku dagaalamaya Guriceel hayeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya in hub uruursi ay sameenayaan xooggaga isku haya degmadaasi.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com