Wasaarada Arimaha dibada Norway oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Suudaan.

Oslo:- Wasaarada Arimaha dibada Norway ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in xiligaan u safraan Wadanka Suudaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada ayaa loogu baaqay muwaadiniinta wadanka in aysan u safrin dalkaas kadib afgambigii milatari ee ka dhacay Isniinti.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xoojisay la-talinta socdaalka ee Suudaan, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed Isniintii.

Xaalad kacsanaan ah oo aan la saadaalin karin ka dib afgambigii habeenkii Isniinta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku talisay inaan loo safrin dalka oo dhan ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Ciidamada milatariga Wadankaas ayaa afgabi kula wareegay maamulki wadanka iyaga oo xabsi guri ka dhigay Ra,isul wasaarihi Wadankaas Abdalla Hamdok

Warbaahinta ayaa ku waramaya in todobo qof ku dhinteen halka in ka badan 140-kalena ku dhaawacmeen kadib rasaas milatariga afgabiga ku qabaaday wadanka la beegsadeen dibad baxayaal ka soo horjeeday Afgambiga.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com