Madasha Xisbiyada Qaran oo ka soo horjeesatay Magacaabista Golaha Adeega Garsoorka

Saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran a ayay kaga soo horjeesteen  go’aankii  Golaha Wiirada  xilka sii haya ay  ku ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana ay ku tilmaameen  sharci darro

Madasha  xisbiyada Qaran ayaa shaaciyay in ay ka wal walsan yihiin  sifada  sharci darada ah ay ku dhaqaaqday Xukuumadda  kalsoonida lagala noqday oo ay ku magacabaeen Hey’addo dastuuri ah sida Guddiga adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda hadda jir ay tahay Xukuumad Xil-Gaarsiineed, isla markaana aanay laheyn awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah ay ku meel gaari karto Guddi dastuuri ah oo horay magacaabistiisii looga gaabiyay.

Madasha ayaa uga digtay Madaxweyne Farmaajo in uusan soo saarin warbixinta xubnahaas 5-ta ah ee ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka inta la waafajaniyo

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com