Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka doodidoona Wax ka badalka sharciga Miinsaaniyada 2020

Xildhibaanada Golahashacabka  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa la sheegay in uu yahay sidii wadida dib u eegista Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2020 oo horay Xildhibaanadu ay u ansixiyeen.

Sidoo kale Ajendayaasha kulanka ayaa waxaa ku jiro ka doodis iyo u Codqyn wax ka Badalka Xeer No.75 Qodobkiisa 10-aad ee mudda-xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonanayo in Mudanayaasha Baarlamaanka ay kasoo qeyb galaan si looga dooda Ajendayaasha horyaalla.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com