Mareykanka oo isha ku haya xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay si dhow ula socotaa doorashada maalinta berrito ah lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Doorashada ay garwadeenka ka tahay Dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu wadaa in Axada lagu soo doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Danjiraha Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa sheegay inay isha ku hayaan waxa ka socda Galmudug, iyadoona uu ku baaqay in dadku uu ka fogaado wax kasta oo khatar amni keeni kara.

Danjiraha Mareykanka ee Somaliya ayaa qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa sidoo kale uu ku baaqay in laga qayb qaato wadahadalada nabadeed ee Galmudug.

Khilaaf xoogan ayaa caqabad ku noqday geedi-socodka Doorashada Galmudug, tan iyo markii Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inaanay doorashada ka dhigin mid daah-furan.

Hadalka danjiraha aya imaanayo xili caawa casi xoogan ka taagantahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah g/muddug.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com