Markab Nuuca Xamuulka qaada oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya markab xamuul oo ku soo jeeday dekadda magaalada muqdisho oo la sheegay in gacanta ay ku dhigen kooxo loo maleynmayo in ay yihiin burcad badeed Soomaaliya ah

markab ka ayaa la sheegay in shidaal uu siday  islamarkaana xili uu marayay meel u dhow xeebaha puntland gacanta ay ku dhigeen kooxo hubeysan halka warar kale ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada xeebaha puntland ay qabteen markabkaasi kana qaateen shaqaalaha markabka saarnaa qoryo gacmeedyo ay isku ilaalinaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Markabka uu kasoo baxay Dekadda Imaaraadka Carabta, wuxuuna kusoo sjeeday  Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya sida uu sheegay Muse Saalax oo ah gudoomiyaha Gardafu ee gobolka waqooyi bari ee Puntland oo warbahinta la hadlay

Weerarka lagu qaaday markabkaasi   ayaa waxaa geystay  Rag hubeysan oo doonyo watay . Ilaa hadda lama ogo tirada shaqaalaha saarnaa markabkaas gacanta u galay dableyda ah

Afduubka ay geysteen burcad badeeda ayaa kusoo aadayo xilli dawlada Sacuudiga ay Faransiiska kala wareegtay hogaanka taliska ciidamo isku-dhaf ah ee la dagaalanka burcadbadeeda ka qalweysata xeebaha Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com