Marwada Koowaad ee Qaranka oo Iclaamisay Olole Nadaafadeed

Muqdisho, Sebteembar 24, 2020 : Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa iclaamisay Olole Nadaafadeed Isxilqaan ah oo Khamiis kasta laga fulin doono mid kamida degmooyinka gobolka Benaadir.

Isxilqaankan nadaafadeed oo wejigiisa koowaad maanta ka bilaabmay Xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa laga fulindoonaa, xarumaha danta guud, wadooyinka iyo guud ahaan xaafadaha caasimada Muqdisho.

 

Marwo Seynab ayaa bogaadisay guulihii horay Mutadawiciinta qaran ee isugu jira Shaqaale weynaha iyo Bulshada Rayidka soomaaliyeed uga soo hooyeen Ololaha guuleystay ee Isxilqaan, kaasi oo dib loogu dhisay xarumo dan-guud, waxa ayna ku dhiirigelisay in ay ka qayb qaataan Isxilqaanka nadaafadeed ee ka sii socon doono magaalada Muqdisho.

 

“Dhammaan shaqaaleweynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaan ku boorinayaa in ay Ololaha Nadaafadeed ee Isxilqaanka ah ka qayb qaataan, xilligan oo la filayo in roobabku ka bilaabmaan guud ahaan magaalada, nadaafaduna muhiim tahay xili-roobaadka,si aan uga hor tagno wax kasta oo Caafimaadka guud iyo kan gaar ahaaneedba wax u dhimmi kara.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com