Golaha Wasiirada Puntland oo Arimo Xasaasi ah ka hadlay

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland Puntland oo looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo Amniga .

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo oo meel wanaagsan maraya iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada oo ka mid ah guulaha la mahdiyey ee puntland gaartay, Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha degaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada dowliga ah ee socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com