Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble?

Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xariira marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ahaa kulan ay si gaar ah iskula gorfeyeen waqtiga doorashada.

Madaxweynaha Jubland  iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu kulamo gaar gar la yeeshay tan iyo markii ay Xildhibaanadu ansixiyeen qaar ka mdi ah madaxda mucaaaradka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com