Ra’iisal wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Gudiga doorashooyinka Soomaaliland

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay. Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Warka  qoraalka ah ee  ka soo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa imaanaya Xilli Garabka uu Hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ay qaadaceen doorashadii Maanta ka dhacday Teendhada Afasiyooni ee lagu doortay Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka ee gobolada Waqooyi loona doortay Khadar Xiriir  Xuseen,

Xafiiska Warbaahinta Aragticusub Muqdishi

Info@aragticusub.com