Dhageyso: Gudiga doorashada gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi oo diiday doorashada Afasiyooni

Xubno ka Tirsan Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ee uu soo magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in maanta aanay ka qaybgelayn Doorashada guddoonka guddiga hirgalinta Doorashadaa oo la sheegay iney ka dhacayso teendhada Afisiyoone ee Magaaladda Muqdisho.

Xubnahaan oo ah Garabka uu Hogaamiyo  Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in guddigaas markii hore uu ku yimid wadahadal, islamarkaana ay ogol yihiin in ay is doortaan kaliyah Siddeed xubnood oo laga saaro Saddexdii xubnood ee ka yimid dhanka xafiiska Rooble.

Suleybaan Cusmaan Ceydiid oo ka Mid ah 4 Xubnood ee Gudiga doorashada ee uu soo xulay Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa warbaahinta u Akhriyay sababta ay ku diidan yihiin ka qayb galka doorashada Maanta ka dhacaeysa Teendhada Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Codka: