Dhageyso: Cabdi Weli Gaas Puntland oo Eedeeyay Odaydhaqameedyada Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku eedeeyay madaxdhaqameedka Waqooyiga Gaalkacyo inay ka cagajiidayaan iskaashi ay la yeeshaan maamulka Puntland oo uu Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyo.

Cabdi Weli Gaas waxa uu  ku dhaliilay madaxdhaqameedka inay ka soo qaybgali waayeen kulan uu qabtay Madaxweyne Deni

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Odaydhaqameedyada Waqooyiga Gaalkacyo ee  Puntland oo ay kaga jawaabeen Eedeymaha ka soo yeeray Madaxweynihii hore Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas