Madaxweynaha Koofur Galbeed oo aan weli magacaabin Xubnaha Gudiga farsamo

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya , C/casiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa noqday Hoggaamiyaha keliya ee Dowlad-gobaleedyada ee aan weli soo magacaabin xubnaha Maamulkiisa uga mid noqon doona Guddiga Farsamada ee lagu go’aansaday Shirkii Madaxweynayaasha Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ku yeesheen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay Dawlada  Federaalka Soomaaliya , Dowlad-gobaleedyada Hirshabelle, Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Maamulka Gobalka Banadir soo magacaabeen Xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Farsamada ee Nidaamka Doorashada ee dalka.

Dowladda Federalka waxaa Guddiga u matali doona: Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda lagala laabtay Kalsoonida, Salaax Axmed Jaamac, La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka, Cabdi Cali Raage, Caadil Sheegow Sagaar oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, iyo Cabdirahman Mucawiye Sheekh lbraahim oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sidoo kale, Dowlad-gobaleedyada waxay iyagana soo magacaabeen Xubnaha u matali doona Guddiga Farsamada ee ka soo talo-bixinaya Nidaamka Doorasho ee dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com