Hogaanka Xisbiga Wadajir iyo Ra’iisul wasaaraha cusub Oo Kulan yeeshay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  , ayaa Maanta la kulmay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame , ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuu ku sheegay in kadib marti-qaad uu ka helay Ra’iisul wasaaraha cusub uu kula kulmay Villa Somalia, islamarkaana ay iska wareysteen arrimaha mudnaanta leh oo u horrayso in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo

Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelannay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.”  Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, wuxu Ra’iisul wasaaraha cusub uga mahadceliyay kalsooni-gelintiisa ku aaddan in uusan doonayn mudda kordhin iyo dadaalkiisa la xiriira in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda.

Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, dadaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinnaado.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com